Home Afsomali Maxaad kala socota wadamada faragalinta ku haaya doorashoyinka dalka ka dhacaya iyo...

Maxaad kala socota wadamada faragalinta ku haaya doorashoyinka dalka ka dhacaya iyo Danaha ay ka leeyihiin

madaxdabsomalida

Musharixiinta u tartameysa qabashada xilka Madaxweynaha ma ku saxsan yihiin safarada ay ku aadayaan Ethiopia si ay uga helaan Codka Kalsoonida ma ku saxsan yihiin

Musharaxiinta u hanqal taageysa qabashada xilka ugu sareeya ee dalka somaliya oo isu bedelay kuwa xod xodanaya wadamada dariska la ah Somaliya sida Ethiopia Kenya iyo wadamo kalae .

Xiliyadii ugu danbeeyey ayey soo shaac baxday ka dib markii mushariintu kali kali ugu socdaaleen wadmadaas oo dadka qaarii u heystaan in ay yihiin cadowga ummada somaliyee ee baday dhibka iyo diifta ay la daalaa dhacayaan .

Magaalada Adis adbaba waxaa dhawaan u kicitimay murashada madaxweyne Cumar Cabdirashiid Cali oo la leeyahay waxaa uu kalsooni buuxda ka heystaa isu taga imaaradaha carabta ee midoobey ee hada loogu yeero dowlada imaaraatka .

Wuxuuna Mr Cumar Magaalada Addis Ababa shir ay ku wada yeesheen wasiirka arimaha dibadda ee Ethiopia  Dr.Workneh Gebeyehu kuwaas oo ka wada hadlay arimaha doorashooyinka iyo kuwa kale.

Wasiirka arimaha dibada ee somaliya Cabdisalaan hadliye  ayaa maalmo ka dib tagay Ethiopia isaga oo kulan ka qaatay isla wasiirkii arimaha dibada ee Itoobiya .

Madaxweynaha Maalka Puntland oo taaraayaashiisu ugu yeeraan Madaxweynah Dowlada Puntland ayaa isu diyaarinayo Safarka shaqo ee uu ku tagi doono Addis Abeba, Nairobo & ugu dambayn Maputo Mozambique Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Addis Abeba kula Kulmi doona madaxda dalkaasi iyagoo ka wada hadli doona arimaha Gobolka.

Safarka Addis Abeba ayuu kadibna waxa uu sii aadi doonaa Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi isagoo kula kulmi doona Beesha Caalamka ee danaynaysa Doorasha Somaaliya

Tuhunku ka weynaadee Addis iska xaaadiriyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo aysan wali qabanin kaameeradu.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan bishii October booqasho aan la shaacinin ku tagay Addis Ababa halkaas oo uu kula kulmay Raysulwasaare Hailemariam Desalegn.

Wararka diblomaasiyadeed oo  aan xaqiiqo loo heyn ayaa tibaaxaya in taliska Adis Ababa  iyo dalka turkigu taageersanyihiin in uu xilka dalka Somaliya ku soo laabto Mr Xasan Sheekh Maxamuud  halka talyaaniga Noreyn iyo Imaaraadku u ololeenayo Cumar Cabdirashiid.

Waxaana jira warar kale oo sheegaya in bada somaliya ay shaqo ka bilaabeen shirkado shiidaal barayaal ah kana kala socda talyaaniga iyo Norweyn .

Waxayna dhamaan dadkaani ilaashanayaa danahooda gaar ka u ah

Balse wadamadaan ayaa cod ku laheyn doorashada wxaase meesha ka marneyn in musharaxii ay wax isla meeldhigaan ay ku baayicii doonaan malaayiin doolar si uu ugu soo baxo doorashada dad ban madaxweyne dadba waana taas doorka ay ku yeelan karaan dowladaha shisheeye oo ay horbodayaan  beesha caalamka

 

Ethiopia iyadu doorkeeda siyaasadeed waxay u badan tahay isku xirka iyo u laka halka dab qaadka cida dhaqaalaha lagu aamini karo waxayna xiriir wanaagsan kala dhaxeeyaa madaxda maamul goboleydyada dalka oo ay u dheer tahay in usan jirin maamul aad ood wadaag la aheyn Ethiopia waxaadna moodaa in ku tala gal ay tahay arintaasi oo laga fiirsaday markii hore ee maamulada la dhisayey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.