Macalin dugsi iyo nin hilible ah ayaa saaka lagu dilay xaafad ka mida dagmada Wadajir gudoomiyaha xaafadasi oo la wareystay waxa uu sheegay in Alshabab aan lagu eedayn karin dilalka saaka dhacay.!
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Waaxda Tima-cadde ee degmada Wadajir, rag hubeysan ayaa saakay aroortii gaar ahaan salaadii subax kadib waxay laba dil ka geysteen degmadaasi.
Dilalka ayaa ka kala dhacay laba goobood oo ka wada tirsan Waaxda Tima-cadde ee degmada Wadajir, waxaana labada ruux ee la dilay ay kala ahaayeen Macalin Dugsi quraan iyo Hillible.
Dadka degaanka ayaa inoo sheegay Rag hubeysan in gurigiisa ay ugu galeen nin Macalin Dugsi ahaa kadibna ay toogteen, daqiiqado kadibna ay maqleen rasaas culus, taasi oo lagu dilay nin kale oo la sheegay inuu ahaa Hillible, kaasi oo lagu magacaabi jiray Muxudiin Cosoble.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Xarunta Cumar Finish ee degmada Wadajir,waxaana dadka deegaaanka ay sheegeen in halkaasi lagu dilay Nin kawaanley ah ama ka Ganacsada Hilibka oo lagu Magacaabi jiray Muxudiin Cosoble.
”Runtii isaga u socda Suuqyaraha degmada dharkenley oo uu hilib ku gedi jiray ayaa nin hibeysan oo tuug loo maleynayo ahaa wadada u galay dhowr xabadood ayuu ku dhuftay anaga xabadaha ayaan ku soo kacnay manaqaano sababta loo dilay laakin nin naqaano oo hilibka ka ganacsada ayuu ahaa ayuu yiri qofka mid dadka degmada Wadajir.
Maamulka degmada Wadajir ayaa inoo xaqiijiyay dilalka saakay ka dhacay degmadaasi, waxayna tilmaameen in Hay’adaha ammanaka ay ku baxeen raggii dilalka geystay oo goobta ka baxsaday, ayna rajeynayaan in gacanta lagu soo dhigo.
Sikastaba weli macada cida sida rasmiga ah uga dambeysa dilka ninkaas iyo sababta loo dilay,balse waxaa la soo sheegayaa in subax walba uu u kalihi jiray goobta uu hilibka ku iibin jiray ee suuqyaraha degmada dharkenley.
Waxaa muuqata in ay kordheen dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, shalay oo ugu dambeysay Muqdisho waxaa lagu dilay shaqaale ka tirsanaa Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Askari ka mid ahaa ilaalada wadooyinka, weli ma jiraan Hay’adaha ammaanka talaabooyin ay uga jawaabeen dilalkan