Home Afsomali Muqdisho iyo koofurta dalka malaga helayaa xildhibaan wiilkaan oo kale soo saara

Muqdisho iyo koofurta dalka malaga helayaa xildhibaan wiilkaan oo kale soo saara

Farxaan Yare waxa uu ahaa wiil agoon ah oo Aabbihii dhintay. Qoyskooda isaga ayaa u waynaa, waxaana ka yaraa laba hablood oo ay walaalo yihii. Hooyadii wax ay ku dabbarto qoyska may hayn. Waxa ay duruuftu ku sababtay inuu isagu shaqaysto, oo wuxuu badhtanka magaalada ku baalashayn jiray kabaha.

Farxaan, waxa uu dhexda u xidhay in uu samata bixiyo nolosha hooyadii iyo hablahooda yaryar ee agoonta ah, oo suuqa uga soo shaqeeyo. Shaqada kaliya ee uu qaban karayey waxa ay ahayd baalashka.

Saddex sano ka hor ayaan kula kulmay makhaayad ku taal magaaladda Hargaysa. Ka dibna nasiibka ayaa igu beegay oo inta uu hortayda soo istaagay ayuu yidhi: ‘Kabaha ma kuu balasheeya?’ Anna ” Haye adeer” ayaan ugu jawaabceliyey. Markii uu i soo dhammeeyey ayuu igu yidhi: ” Waan ku garanayaa, sow Barkhad ma tihid?” Anna ” Haa” ayaan ku idhi. “Gurigaaga ayaan soo hormaraa” ayuu ku sii daray. ” Xaggeed gashaa?” ayaan ku yidhi. ” Isku xaafad ayaan deggannahay” ayuu igu yidhi oo Daami inuu degganyahay ayuu ii sheegay.

Waayihiisi nololeed ayuu iiga warramay, waxa aanan aad u jeclaaday ragannimada ku jirta, waxa aan waydiiyay ” waxbarasho ma rabta?” Wuxuu yidhi: ” Haa. Weliba Madarasadda carruurtaadu dhigato ayaan jeclahay in aan Qur’aanka ka barto.” Waxa aan ku idhi: ” Hooyadaa igu yeedh, oo guriga iigu kaalaya.” Subaxdii dambe ayuu aqalka igu keenay hooyadii oo Nimco la yidhaahdo. Ka dibna waxa aan go’aan ku gaadhay in aan ilmaha waxbarashada geeyo, qur’aanku uu jeclaadayna aan baro. Saaxiibbo qaali ah oo reer Sweden ah Alle kheyr ha siiye ayaa iga dulqaaday nolosha qoyskooda, waxbarashadiina sidii ayaan ku gaynay.

Maanta ayuu khatimay Qur’aanka Kariimka ah. Waa mahad Alle. Hadda Machadka dacwana sannadki 1aad ayuu ku jiraa. Sidoo kale, Jaamacadda wuxuu rabaa inuu Shareecada barto. Hadda hammigiisu waa Macallinnimo, taasna waxa u ballanqaaday Maamulaha Maddarasadii uu dhigan jiray oo ah Mudane Xariir Faarax. Mahadcelin weyn waxaan u diraya Wallaalaha Reer Sweden Sheekh Ismail Farax, Abdallah Mohamed C/raxmaan Saleeban Maax, Hussein.

Xildhibaan Barkhad jamac Batuun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.