Bangiga maalgashiga caalamiga ah ee Citi ayaa shaqada ka joojiyay nin howl sare ka hayay bangiga oo lagu eedeeyay inuu cunto ka xaday maqaayad ku dhex taallo bangiga oo shaqaalaha Citi ay wax ka iibsadaan.
Ninkaas oo qeybta ganacsiga qaabilsanaa oo lagu magacaabay, Paras Shah, waxaa la sheegay in mushaarkiisa sannadkii uu ahaa in ka badan £1m ($1.31m oo dollar), taas oo ay ku jirto gunnadii uu helayay.
Waxaa laga qaaday shaqadii uu hayay oo ahayd mid sare oo qaabilsan ganacsiga Yurub, Bariga dhexe iyo Afrika, taas oo ah midda mushaarkaas badan uu ku helayay, sida uu bahiyay wargeyska Financial Times.
Bangiga Citigroup wuxuu diiday in uu ka hadlo eedahaas iyo warbixinta Financial Times.
Sida wararka kale ay sheegayaan, Mr Shah, oo 31 sano jir ah, waxaa shaqa joojinta lagu sameeyay ka dib markii lagu eedeeyay in uu cunay rooti ismaris oo qudaar ama hilib gudaha laga geliyay, oo yaallay kantiinka bangiga, ee xaruntiisa London.
Ma cadda inta goor ee uu “xaday cuntada” ama muddada ay eedeyntaas soo jiitameysay.
BBC ayaa isku deyday in ay la hadasho Mr Shah balse cinwaankiisa Linkiedin, wuxuu u muuqdaa in uusan shaqeyneyn oo hawadana laga saaray.
Xatooyo fudud
Mr Shah ma ahan qofkii ugu horreeyay ee shaqo sare ka hayay Citi ee wajahaya cawaaqib xun oo ka dhashay eed ama daacaddaro yar oo fudud oo cadeyn loo hayo.
Sannadkii 2014-kii, Agaasimaha BlackRock, Jonathan Paul Burrows ayaa laga mamnuucay in uu ka shaqeeyo adeegga dhaqaalaha ee warshadaha, ka dib markii lagu helay in dhowr goor uusan iibsan tikitka tareenka uuna si “qarsoon ku raacay”, xilliyo uu isaga kala gudbayay London gudaheeda.
Maamulk Ansaxa ee arrimaha Dhaqaalaha (FCA) waxay sheegeen in ninkaas laga filayay in uu dadka kale u noqdo qof ay ku deydaan, balse ficilkiisa “uu hoos uga dhigay heerkii laga filayay qof isaga oo kale ah”.
Hadda, shaqa joojinta lagu sameeyay Mr Shah waxay ku soo aadeysaa iyadoo bilo ay ka dhiman tahay xilliga mushaar kordhinta iyo gunnada loo sameeyo shaqaalaha madaxda ah ee Citigroup bank.
Wuxuu horey uga shaqeyn jiray bangiga HSBC, wuxuuna Citi ku biiray sannadkii 2017-kii.