Nin hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inuu goor dhow weeraray guri ku yaalla degmada wardhiigley ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo dhimasho iyo dhaawac uu ka gaystay
Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo ku hubeysnaa qoray AK47 ah uu bartilmaameedsaday guriga oo ah xarun lagu tumo Mingiska, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online.
Dad badan ayaa ku sugnaa guriga xilliga uu dhacayey weerarka, kuwaas oo soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay 1 qof oo macagiisa lagu sheegay Saleemaan Maxamed Mahdi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 9 qof oo kale oo haween u badan.
Sidoo kale waxaa goobta gaara ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo haatan baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkan, balse dad deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka weerar geystay uu cabsanaa, islamarkaana uu goobta isaga baxsaday.
Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaliyeed.