Home Afsomali Odayaasha Dhaqanka ka tegay Muqdisho oo gaaray furimaha dagaalka ee Laas-Caanood

Odayaasha Dhaqanka ka tegay Muqdisho oo gaaray furimaha dagaalka ee Laas-Caanood

Odayaasha Dhaqanka isxilqaamay ee ka tegay magaalada Muqdisho ayaa gaaray goobaha ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa la Magac baxay SSC ee duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Odayaashaan oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa u tegay jiidaha dagaalka ee duleedka Laas-Caanood sidii ay u ogaan lahaayeen waxa kajira halkaas iyo masaafada ay isku jiraan labada dhinac.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ka tegay muqdisho ayaa waxaa wehlinaya Isimada dhaqanka SSC , waxaana la filayaa inay gudaha u galaan Magaalada Laas-Caanood si ay u qiimeeyaan waxyeelada ka dhalatay dagaalka iyo dhibaatada gaartay goobaha danta guud.

Odayaasha Dhaqanka isxilqaamay ee ka tegay magaalada Muqdisho ayaa ujeedkoodu yahay inay dhex-dhexaadinayaan dhinacyada Somaliland & SSC, balse wararka la helayo ayaa sheegaya in Somaliland taasi diiday, isla markaana shalay ay Somaliland ku dhawaaqday inay weerareyso goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada SSC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.