Dagaal culus oo siyaasadeed ayaa ka dhex oogmay, muruq ayaa la isku sheegtay, awood ayaa lagu tartamay, waxba la isulama harin, awrkaagu ha ku qaado ayay arintu gaartey, balan waxaa lagu galay siyaasi walba waxii uu kari karo inuu sameeyo, waa la kala jeestey, dhabarka ayaa la isu jeediyay, hogaamiye kasta wuxuu halgan u galay sidii uu hankiisa ugu guuleysan lahaa.
Qorshe is diidan ayay labadda {2} nin kala wateen, Shariif Xasan Sheikh Aadan wuxuu u ololeynayay inaaney beelaha Digil iyo Mirifle marnaba qaadan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka, taasi badalkeeda wuxuu halgan ugu jirey sidii uu isagu u noqon lahaa Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaare, rabitaankaasi waxaa ka biya diidsanaa Prof. Maxamed Sheikh Cusmaan {Jawaari} oo hadafkiisu ahaa sidii uu mar labaad u hogaamin lahaa Baarlamaanka 10-aad.
Labadda hogaamiye ee beelaha Digil iyo Mirifle in dhawaalaba iskuma fiicneyn, masuul walba wuxuu ku hawlanaa sidii uu kan kale u jalaafeyn lahaa, Madaxweynaha K/Galbeed oo la xaqiijiyay inuu isagu bilaabay dagaalka ayaa xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka u soo sharaxay nin OGAADEEEN ah, ujeedadiisu waxay aheyd sidii uu dhulka ugu jiidi lahaa Prof. Jawaari oo la hadal hayay inuu xilkaasi damac kaga jiryo.
Muruq, maskax iyo maal waxii uu hayay Shariif Xasan wuxuu isugu geeyay musharaxii uu watey, Xildhibaanada labada aqal ee lagu soo doortey Magaalada Baydhabo wuxuu ka dhaadhiciyay inay doortaan Cabdi-rashiid Maxamed Xiddig, bulshada reer K/Galbeed wuxuu in badan oo ka mid ah uu ka gadey halku dhigii uu watey oo ahaa BAARLAMAAN MA FADAANO oo macnaheedu uu yahay Baarlamaan ma rabno.
Dheeshii uu dheelayay odeyga K/Galbeed waxaa si xirfadeysan carada ugu darey Gudoomiyaha iminka loo doortey Baarlamaanka cusub, talaabadii koowaad ee ka nixisay Shariif Xasan waxay aheyd markii uu Maxamed Sheikh Cusmaan isu soo sharaxay qabashada xilka Gudoomiyaha Golaha shacabka, jugtii labaad waxay Shariifka ku dhacdey markii ay kala bar ka yaaceen Xildhibaanadii dhinaciisa ahaa kuwaasi oo u wareegay dhanka ruug cadaagii ay is hayeen, ushii ugu xanuunka badneyd Madaxweynaha K/Galbeed waxay dusha kaga dhacdey kadib markii Jawaari uu ku soo baxey jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Herdenkii siyaasdeed ee u dhaxeeyay hogaamiyaashaasi haatan waxaa si xarako leh ugu guuleystey Maxamed Sheikh Cusmaan {Jawaaari}, guushaasi ayaa noqonaysa markii labaad ee Jaawaari uu ka adkaado Shariif Xasan, horey ayaa sannadkii 2012-kii wuxuu Jawaari dhinaciisa dhulka u dhigay Shariikfa kadib markii uu legdey Pof. Cali Khaliif Galeyr oo xilkaasi kula tartamayay, iyadoo Prof. Cali Khaliif uu watey Sharaiif Xasan sida uu iminka ugu ololeynayay Xiddigii laga adkaadey.
Kuma farxin Shariif Xasan natiijada ka soo baxdey Baarlamaanka 10-aad, raali kama aheyn in Jawaari loo doorto Gudoomiye, waji gabax ayaa ku dhacey, aamusnaan ayaa ka soo hartey, arintiisu waxay noqotey afkii baa juuqda gabey, boola xooftadii uu wadey ayaa beenowdey, qaraarka ay leedahay siyaasadda ayaa la dhan-dhansiiyay, si uu wax yeelo ayuu la’ yahay, waalasho {waali} ayuu ku dhaw yahay.
Haddii ay Shariif Xasan dhimasho ka joogto taa bil-caksigeeda waxaa farxad la dilaaci raba Gudoomiyaha la doortey ee Baarlamaanka oo xaqiiqsadey inuu ka guuleystey caddowgiisii siyaasadeed, dabaaldeg, is marxabeysiin iyo isu hambalyeyn ayaa u furantey Jawaari iyo taageerayaashiisa, gudaha iyo dibadda ayaa laga soo dhaweeyay guushiisa, beesha caalamka ayaa si isku mid ah u taageertey doorashadaasi.
Sharaf ayay u tahay guud ahaan ummaddda Soomaaliyeed gaar ahaan Digil iyo Mirifle in Jawaari uu hogaamiyo Baarlamaanka 2017-2021-ka, inkastoo guusha Jawaari lagu wada naaloonayo (farxayo) ayaa haddana waxaa guushaasi taariiqiga ah ka naxsan oo geeri ay ugu dhigan tahay Shariif Xasan Sheikh Aadan oo uu ka dhicisoobay qorshahiisii ahaa Baarlamaan Ma-Fadaano (ma rabno).
- Si iskeed ah ayay xilligaan isaga geeriyootey musharaxnimadii Shariifka ee ku aadaneyd qabashada xilka Madaxweynaha Wadanka, haatan Jawaari waa guuleystey halka uu Shariif Xasan ka guuldareystey, xaqiiqdii wey u dhamaatey Musharaxnimadiisii xilka Madaxweynaha bacdamaa uu Jawaari noqdey Suldaanka labaad ee ugu sareeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.https://youtu.be/8GobtGsDQro
https://youtu.be/x9IoFechyRk