Home Afsomali Qarax Miino oo lagu weeraray Gudaha Muqdisho Kolonyo Ciidan AMISOM ka tirsan...

Qarax Miino oo lagu weeraray Gudaha Muqdisho Kolonyo Ciidan AMISOM ka tirsan ah

Wararaka inaga soo gaaraya wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, oo halkaasi marayay.

Dad Gooboogayaal ah ayaa sheegay Qaraxa in uu dhacay markii ay gudbeen Ciidanka AMISOM oo uusan jirin khasaare uu geystay Qaraxan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Inta badan wadada Warashadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Qaraxyo lagula eegtaa Ciidanka AMISOM, oo wadadaasi isticmaala.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.