Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Somalia  Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi oo uu hoggaaminayo.

Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid caasimadda Muqdisho sidii ay wada hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka al-shabaab.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ay Somalia ka joogaan ciidamada qeybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana labada dal ka dhexeeya mudooyinkan xiriir aad u wanaagsan

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.