Waxaa Maanta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan gaaray wafdi isugu jira Xildhibaano katirsan golaha Shacabka, Wasiiro katirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo Saraakiil Ciidan, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga oo ay Xildhibaanada hoggaaminayeen ee gaaray Maxaas ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye, Â Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey, Â Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Wasiir Wasaaradda Waxbarashada Hir-Shabeelle Maxamed Dheere, waxaana qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka dhulka Gen.Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha qeybta 27-Aad Gen.Tawane Axmed Maxamed iyo masuuliyiin kale.
Ujeedka wafdigaan ee degmada Maxaas ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda amni ee degmada iyo degaannada hoostaga iyo sidoo kale dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degaannada hoostaga degmada maxaas iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.
Wafdiga Xildhibaannada ah ee gaaray degmada Maxaas ayaa hormuud ka noqon doona howlgalka ka dhanka ah A-Sabaab ee Hiiraan ka socda waxa ayna dhanka kale Xildhibaanada ka qeyb gali doonaan Shirweyne Maxaas ka furmaya dhawaan, kaas oo looga hadlayo arrimo kala duwan.