Abraham Lincolnka Soomaaliya
Abraham lincoln waxa uu ahaa Madaxweynahii 16aad ee Mareykanka ee talada dalkaasi hayay intii u dhexysay 1861 ilaa 1865, markii uu gaaray da’da 30 jir ilaa Madaxweyne noqdo asaga oo 60 jir ku dhaw waxa uu ku fashilmay ilaa ku dhawaad 10 isku day oo uu ku donayay inuu siyaasadda ku galo, asagoo lagaga adkaaday tartan uu u galay xilalka Xildhibaannimo, madaxweyne ku xigeen iyo Madaxweynenimo intaba, iyo waliba inuu ka badbaaday inuu naftiisa dilo kadib markii uu mashruuca ganacsi oo uu lahaa ku khasaaray, xaaskiisina ka tagtay, ugu danbeynna 30 sano kadib waxa uu noqday Madaweynaha dalka Mareykanka.
waxaa isoo xasuusisay qisada odaygaas saaxiibkey Siraaji Sheekh Isaaq Codey oo ka mira dhaliyay dadaal iyo halgan uu ugu jiray in uu kasoo dhaxmuuqdo siyasadda Soomaaliya, asagoo ka tirsan bahda waxbarashada aya waxa uu ka qeybgalay shirarkii dib u hishiisiinta Carta 2000 iyo Embegaati 2004, labada jeerba waa uu ku hungoobay damaciisi ahaa inuu xil siyaasadeed helo.
kadib waxa uu taageeray Kacdoonkii Maxaakiimta 2006, waxa uu kamid ahaa Odayaashii dhaqanka Beelaha Hawiye ee ay hoggaamin jireen Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad iyo Allaha unaxariistee Nabaddoon Axmed Diiriye, kadib waxa uu kamid noqday garab ka fallaagoobay Odayaasha oo lagu xaglin jiray mucaaradkii hubeysnaa.
2012kii markii ay dalka ka curatay Xukuumad ay hor kacayeen rag uu lalaa Xiriir fikir iyo deegaan waxa galay damac cusub mase mira dhalin.
kadib waxa uu isaga baxay intii dhowr sano ah dhaqdhaqaaqyadii siyaasdeed iyo kuwii dhaqanka asagoo dib ugu soo laabtay macalinimadii uu markii hore Siyaasadda ka door biday.
ugu danbeyn 2020 waxa uu noqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, taasoo muujineyso in sabarkii iyo dulqaadkiisi mudda dheer soo socday uu bilaabay inuu miro dhalo, taasoo dhiiri galin u ah dhalinta u hanqal taageyso in ay siyaasadda ku biiraan.