https://www.facebook.com/yaasoomaaliAh/videos/475891819457857/
Sida uu qoray wargeyska Arab News ee kasoo baxa dalkaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dowladda Turkiga ayaa la ogaaday in $50 Milyan oo dollar ay ku bixisay saldhiga Militari ee ay ka furtay gudaha Magaalada Muqdisho,
Xalfad ay si wadajir ah uga qayb galeen Taliyaha Militariga Dowladda Turkiga Hulusi Akar iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dhagtar Xasan Cali Kheyre ayaa sabtidii xariga looga jaray Saldhigan Miltari oo la sheegay in qubaro military oo udhashay dalkaasi Turkiga ay tababar ugu furi doonaan kudhawaad 15 kun oo ciidamo Soomaali ah.
Labada dowladood oo uu ka dhaxeeyo xiriir aad u adag ayaa sidoo kale waxa ay isku afgarteen in Soomaaliya laga taageero ciidamo horleh oo tababar lagu siin doono dalkaasi Turkiga.
Kumanaan muwaadiniin Turkish ah ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya kuwaas oo u jooga geeska Africa in at taageero dhinacyo kala duwan ah u sameeyaan DFS iyada oo sidoo kale dalkaasi Turkiga at ku suganyihiin kumanaan Soomaali ah kuwaas oo halkaasi u jooga waxbarasho iyo kuwo ka shaqeysta.
Labada dowladooda ayaa waxa ka dhaxeeya xiriir aad u wanaagsan waxaana dowladda Turkiga mas’uuliyiinteeda at yihiin kuwo inta badan soo booqda Soomaaliya.