Home Afsomali Soomaaliga Iyo Sucuudiga Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dal

Soomaaliga Iyo Sucuudiga Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa kulan doceed kula qaatay Xarunta Qaramada Midoobey ee New York Dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, oo ay ka wada qeybgalayaan shirka 77aad ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa.

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada xoolaha, kalluumeysiga, kordhinta isdhaafsiga ganacsiga, cunto yarida, abaaraha iyo howlaha Golaha Dowladaha dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Labada wasiir ayaa caddeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.