Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka banaadir Gashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in dhibaatooyin ay la kulmaan arimaha la xariira go’aanadw ay gaaraan Maxkamadaha dalka gaar ahaan dacwadaha dhulka ee laysku qabqabsado.
Taliyaha oo hadal ka jeedinayay Shirka Arrimaha Garsoorka waxaa uu sheegay in marka hay’adaha garsoorka ay muwaadin u soo xukumaan dhul lagu qabsaday oo isagu laeyahahay kadibna Shaqadu ay kusoo wareegto Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir oo qeybta fulinta iyo wareejinta dhulkaasi laysku qabsado ay howshooda galaan in caqabad ay kala kulmaan saraakiil hubeesan oo ka tirsan ciidanka dowladda kuwaasi oo ishor istaag ku sameeya shaqada Booliiska taaso dhibaato ku ah shaqadooda.
Cabashadaan kasoo yeertay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaar isku-dhacyo u dhaxeeya Ciidamada dowladda dhexdooda.