Home Afsomali Taliska Guud ee Ururka Midowga Afrika oo Shaaciyey waqtiga ay ciidamada AMISOM...

Taliska Guud ee Ururka Midowga Afrika oo Shaaciyey waqtiga ay ciidamada AMISOM ka baxayaan dalka Soomaaliya

Wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Dalka Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxuu ka sheegay in Ciidamada AMISOM ay bixi doonaan 2020.

Danjiraha Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada AMISOM ay qorsheenayaan in amaanka guud ee Dalka ay ku wareejiyaan Ciidamada huwanta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Francisco Madeira waxuu tilmaamay in muddo hal sanno ah ay ku qaadan doonto in Ciidamada AMISOM ay ka baxaan Dalka Soomaaliya.

Ka bixitaanka ayaa waxuu ku sheegay in uu bilaaban doono markii la gaaro Sanadd 2020, islamarkaana amaanka guud ee Dalka lagu wareejiyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa qeexay in Soomaaliya ay Soomaali leedahay, islamarkaana Ciidamada AMISOM aysan sii joogi doonin gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Janaraal Cismaan Nuur Subagle ayaa  sheegay in Ciidamada AMISOM ay dhibaatooyin xoogan ka marayaan Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Taliye Subagle ayaa xusay in Ciidamada AMISOM ay ku adagtahay in ay ka adkaadaan Xoogaga Xarakada Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in Sirdoon hormarsan in loo aqoonsado Xubnaha ka tirsan Al Shabaab, islamarkaana loo beegsado.

Taliyaha ayaa cod-dheer ku sheegay in wiiqida Al Shabaab aysan waqti badan qaadan doonin hadii la halo buu yiri Sirdoonka aan dalbaneyno.

Ugu dambeyn, Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo taageero u ah kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab waxey ka wadaan Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

Previous articleDhageyso Afhayeenka Alshabaab oo ka hadlay arimo ay ka mid yihiin waxbashada
Next articleMore War – U.S. ‘Boots on the Ground’ Headed to Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.