Home Afsomali VEDIO Shirkada Isgaadhsinta ee Hormuud Oo Deeq Gaadhsisay Dadka Nafada Ah

VEDIO Shirkada Isgaadhsinta ee Hormuud Oo Deeq Gaadhsisay Dadka Nafada Ah

Shirkada isgaarsiinta hormuud qeybteeda gargaarka ayaa naafo somalyeed ah lacago ugu qeybisay magaalada Muqdisho

munaasibada qeybinta gargaarkaan lacageed waxaa ka soo qeybgalay madaxda Shirkada isgaarsiinta Hormuud iyo sidoo kale madaxda hormuud foundation qeybteeda gargaarka lagu taakuleeyo bulshada u baahan in laga caawiyo xaga afurka iyo saxuurta waxaana goobjoogayaal ahaa 500 oo danyarta nafada ah kuwaas oo midkiiba la gudoonsiiyey 100 doolar

Gudoomiye ku xigeenka hey.adda hormuud foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi ookiyaale ayaa faahfaahin dheeraad ka biyey ujeedka lacagta iyo danta laga leeyahay iyo cida ay u u qeybiyeen gargarkaan lacageed .

qaar ka mid ah naafadii lacagaha loo qeybiyey ayaa mahgadcelin ka sokow waxay tilmaameen sida ay ugu faraxsan yihiin lacagta la siiyey oo ay sheegeen in ay ku soo aaday xili ay baahi weyn u qabeen .

Shirkada hormuud foundation ayaa sanadkasta bisha ramadaan waxay bixisaa qarashaad aad u badan ayna ku xisaabtaman bulshada qeybaheeda kala duwan siiba maxaabiista   iyo naafada oo haatan loo qeybiyey 50 kun oo doolar

Dhanka youtube ka  

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.