Home Afsomali VIDEO Drs Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo Muqdisho kaga Dhawaaqday in...

VIDEO Drs Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo Muqdisho kaga Dhawaaqday in ay tahay musharax u taaganxilka xildhibaanada qaranka ee baarlamaanka so socda ( DAAWO SAWIRADA )

Maanta oo ay taariikhdu tahay 4/9/2016 waxaa shir ay iskugu yimaadeen 135 qofood lagu qabtay Hotel Amiira ee ku yaalla Muqdisho.

Maryan Cariif qaasin (1)

Maryan Cariif (2)

Shirku wuxuu ku saabsanaay taageero ay beesha Cabdalle Sebti siinayeen musharraxnimada xildhibaan Maryam Cariif Qaasim oo mar kale u tartameysa kursig beesha ay ku leedahay Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya. Beesha oo iskugu jirta odayaal dhaqameedyo, ururka haweenka, ururka dhallinyarada, ganacsato, siyaasiyiin, bulshada rayidka ah waxay si buuxda u soo dhoweeyeen codsiga xildhibaanadoodi hore oo mar kale weydiisatay in lagu taageero jagada xildhibaanimada ee baarlamaanka federaalka ah.

Maryan Cariif (3)

Munaasibadaan oo aheyd mid si heer sare ah ay u soo agaasintay musharaxa  xildhibaanka Beesha Cabdalle Sabti oo ka tirsan beel weynta karanle hawiye Musharax Xildhibaan Qaran Maryan Cariif Qaasim oo markale u taagan in ay ka mid noqoto xildhibaanada barlamaanka soo socda ee 2016 isla markaana beesha cabdale sabti saamiga u heshay ayaa waxaa ka soo qeybgalay siyaasiyiin madaxda dhaqanka culumaaudiin ganacsato dhalinyaro haween ku abtirata Beesha cabdale .
Maryan Cariif (4)

Maryan Cariif (6)

Maryan Cariif (8) inti hadashay waxey isku raaceen in Maryam Cariif Qaasim ay si sharaf iyo wanaag leh bulshada Soomaaliyeed uga dhex muuqato, ayna beesha u soo jiiday magac iyo maamuus wanaagsan.  Gaar ahaan oday dhaqameedka beeshu waxay sheegeen inay raalli ka yihiin hawsha ay qaranka Soomaaliyeed u qabatay iyo sidey ugu gargaartay oo ay wax uga qabtay baahida beesha oo kala nooca ah.

Maryan Cariif (10)

Kuwaas oo Dhamaantooda xildhibaanada iskuugu daray u hanbalyen soo dhaweyn iyo taageerid aan lookala harin Musharax xildhibaan qaran Drs maryan Cariif qaasin ,waxayna Carabka ku xajiyeen  sida ay ugu faraxsan yihiin in mar kale ay ka mid noqoto mudanayaasha barlamaanka soo socda ee 2016 ka.

Maryan Cariif (12)

Masuulkiyiintii kala duwaneyd ee xaflada ka hadashay ayaa soo dhaweynta ka sokow waxay ku dhiiri galiyeenin ay sii wado dadaalkeeda iyaguna codka kalsoonida lagarab taaganyihiin.

Maryan Cariif qaasin (2)

Nabadoon maxamed Axmed caraale oo shirka furey ayaa xubnihii shirka ka qeybgalay ku booriyey in beesha xaqeeda si wada jir ah loogu howlgalo sidii ay u heli laheyd la iskuna duubnaado .

Maryan Cariif (14)

Gudomiyaha dhalinyarada beesha cabdalle Ismaaciil Cabdi Jimcaale ayaa sheegay in codka fikirka iyo maskadaxa dhalinyaradu ku taageereyso Xildhibaan maryan cafiir qaasim wuxuuna xusay in yar iyo weynba arintaa ay ka midaysan yihiin oo uu shegay in ay tahay qof ka soo bixi kara masuuliyadaas beeshuna codka kalsoonida sidaa ay ugu garatay

Maryan Cariif qaasin (7)

Sidoo kale dhallinyaradu waxay codsiga Maryan ku soo dhoweeyeen gacmo furan iyo farxad, waxeyna sheegeen in madax ayada ka hawlkarnimo iyo daacadnimo badan aan la heli doonin.

Maryan Cariif (16)

Ganacsatada, culumaa’u diinka, siyaasiyiinta iyo guud ahaan waxgaradka beesha Cabdalle uma kala harin taageerada xildhibaanimada Maryam Cariif Qaasim oo ay u arkaan qofka keliya oo istaahisho in dib loo soo doorto, haddii laga eego dhan qaran iyo dhan beel labadaba.  Waxay hal mar ku wada dhawaaqeen: XILDHIBAANKA CUSUB EE BEESHA CABDALLE WAA MARYAM CARIIF QAASIM, WAXAANA SIINEYNAA CODKEENA OO BUUXA.

Maryan Cariif (1)

Ismaaciil cadow Abuu cabaas oo ka mid ahaa nabadoonadii goobta ka hadlay wuxuu ku dheeraaday ka sheekeynta aqoonta uu u leeyahay Xildhibaanada isaga oo si kooban uga hadlay waxqabadkeedii intii ay xilka heysay Cismaan xaad ayaa ku booriyey beesha cabdalle in ay codkooda siiyaan taageera dhankasta ahna la garabgalaan

Maryan Cariif qaasin (4)

Nabadoon Nuur Ciroobe Duqow ayaa ku tilmaamay xildhibaanada qof qali ah isla markaana qiima weyn ugu fadhida beesha cabdalle sabti ayna isaga iyo beeshuba ku taageerayaan waxqabka iyo kartideeda qofnimo.

Maryan Cariif qaasin (5)

Haweenka beeshu waxay cod dheer ku yiraahdeen: Waxaan rabnaa inay Maryam Cariif soo noqoto, waxayna kulligood isku raaceen inay codkooda xildhibaanadda ugu wada shubaan ayagoo aan kala har lahay,

Amina Maxamuud kulmiye Amina Xagaley ayaa ka mid aheyd dadkii taageeray waxayna hadalkeeda uga baxday shirib haku dhigiisu yahay maryaney adoo qoslaaya u qudbey qabiiladaada ,Maryanmey markaad qudbeysay umada oo dhan waa qushuucday.

Maryan Cariif qaasin (6)

Shamso Cumar AXmed oo ka mid aheyd ardayda ay jaamacaha geysay taasi oo heshay deeq waxbarasho haatana ka mid ah gabdhaha jaamiciyiinta ee beesha cabdalle sabti ayaa u mahadcelisay musharax xildhibaan qaran ee soo socda

Maryan Cariif qaasin (3)

Suldaan Maxamed Axmed Yalax oo munaasibada ay maryan cariif uga dhawaaqeysay in ay tahay musharax xildhibaan oo qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shirka ayaa ugu danbeytii  xildhibaanada iskuugu daray hambalyo soo dhweyn iyo duco wuxuuna sheegay in ay mudan tahay in ay hesho taageerada beesha cabdalle sabti

Maryan Cafir Qaasim (4)

Gabagabadii munaaasibada waxaa soo xirtay Xildhibaan maryan cariif Qaasim oo sheegatay in ay tahay musharax u taagan xilka xildhibaan ee beesha cabdalle sabti ka dibna waxay  u mahadcelisay dhamaan inta ka soo qeybgashay kuna taageertay codkooda waxayna sheegtay in hadii la doorta howsheeda halkeeda ka sii wadi doonto si ay u dhameyso howlaha qabyada u ah ee ay beeshu Cabdalle sabti iyo guud ahaan beelaha soomaaliyeed .

Maryan Cafir Qaasim (1)

Waxaa shirki maanta lagu soo gabagabeeyay duco xildhibaanada loo soo duceeyay iyo in si buuxda ololaha tartankeeda laga wada shaqeeyo oo aan loo kala harin.

Maryan Cafir Qaasim (2)
Maryan Cafir Qaasim (3)

 

57 COMMENTS

  1. Kkkkkkk yey wax u qabatay 15sano qaran iyo qarabo cidna wax kuma dhifeen ee bal markaan aan ugu darso koley wey isbedelaysaaye

  2. Musow mawaxad noqotay afhayenka maryan cariif
    Aniga waxan kugu aqiinay wariye
    Ee makabaxday? waana ku taageersan nahay runtii qof fiican ayaa tahay sxb noolow

Leave a Reply to Philip Abdirizak Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.