Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in kaliya sagaal askari ay kaga dhinteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Kulbiyow, hase ahaatee qaar kamid ah saxaafada Kenya ayaa tabineysa in dhimashadu ay gaareyso ilaa 68 askari.
Mid kamid ah Website-yada ugu waa weyn Kenya ayaa soo daabacay sawirada qaar kamid ah askartii Kenya looga dilay dagaalkii ka dhacay Kulbiyow kuwaas oo meydkooda loo soo qaaday Kenya si loogu aaso Gudaha Kenya.
Askarta la dilay waxaa kamid ahaa Francis Kombo oo kasoo jeeda gobolka xeebta Kenya, halka Kassim Darga oo isna kasoo jeeda deegaanka Madogo, ee koontiga Tana River la dilay.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0