Roob xoogan oo ka da,ay Gobolka Banaadir ayaa saameyn weyn ku yeeshay Nolosha Qoysas Degan Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaana Xeryaha Barakaca Warta sigaale ee dagmada hodan .
Inta la Haqiijiyay 3 Qof oo ayaa dhimatay waxaana jira kuw kale o la la,yahay
Dadka ku waxyeeloobay ayaa Deganaa Guryo ka sameysan Cooshado sida Baco,Baakado iyo Maryo la isku xer xeray waxaana ku jira kuwa daganaa guryo baaliyoobay oo aan awood ulaheyn in ay iska difaacaan dhibicda roobka.
maamulka dagmada ayaa warbaahinta uga waramay dadka guryahooda ku xaniban kuwa daadku qaaday iyo la waayey
Nuurtaan Maxamuud oo guri dariskeeda ah dad ku noolaa sadax caruur ah uu daadku qaaday ayaa sheegtay
Roobkaan Xoogan ee ka da,ay Magaalada Muqdisho ayaa dad ay u dhinteen ka dib maaso ka kacday baale ay koronto ku xiran tahay
dhinaca Xarunta dagmada xamar weyne ayaa ka mid ah goobaha biyo ceegaangaan ee waxyeelada gaarsiiyey guryo iyo gaadiid kala duwan sidoo kale wadooyinka magaalada muqdisho qaar ka mid ah ayaa waxaa dureera Biyaha roobka ka dhashay halka ay wadooyin kalana Noqdeen kuwa aan biyaha dartood loo mari karin .
ho.
v
.