Xildhibaanadaan oo tira ahaan la ogeyn inta ay dhan yihiin ayaa qoraal ay gudbiyeen gudoonka golaha baarlamaanka taasi ay talo iyo tusaale u ah xaalada amni ee dalku ku sugan yahay
Waxaana qoraaku u qoraan sidaan
Ku gudoomiyaha golaha shacabka JF Soomaaliya
Ujeedo soo jeedin arin deg deg ah
Mudane gudomiya .anagoo ah xildhibanada magacyadooda iyo saaxiixoodu hoos ku xusan yahay cuskaneynan qodobada 26aad farqadiisa 2aad iyo 3aad eexeer hoosaadka golaha shacabka waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuugu soo gudbinaynaa soo jedin ah in ajanadaha golaha shacbka lagu daro maanta oo taarikhdu ay tahay 30-3-2019 xaladaaha amni darro ee kusoo kordhay magalada muqdisho waxaa la wada ogyahay in dadkii shacabka ahaa si joogta ah loogu xasuuqayo hoteelada makhayadaha jidadka iyo meheradahooda ganacsi
Mudane gudoomiye golaha shacabku wuxuu wkiil ka yahay uuna hadlaa shacabka soomaaliyeed sidaa daraaddeed waa waajib dastuuri ah waana kii aan ku dhaarannay in aan difaaceynno dalka dadka iyo diintaba taasi waxay lagama maarmaan ka dhigaysaa in aan qaadano masuuliyadda naga saaran badbaadinta shacabka sida arxan daradda ah ay u gumaadanyaan kooxaha nabad diidka ah xaaladda hadda waddanku marayo waxaa mudnaanta kowaad leh in laga hadlo amniga si loo helo isla xisaabtan dhab ah