Home Afsomali waa Muuqaal kale iyo Yaa xaday suunka dahabka ah muxuuse yahay ...

waa Muuqaal kale iyo Yaa xaday suunka dahabka ah muxuuse yahay dheeman ka la ibinayo iyo dowlad saldhib milatry muqdisho ka furaneysa oo bixisay konton milyan oo doolar

https://youtu.be/ZMvr8uOJGdc

 

Yaa xaday suunka dahabka ah muxuuse yahay  dheeman ka la ibinayo iyo dowlad saldhib milatry  muqdisho ka furaneysa oo bixisay konton milyan oo doolar

Saaxiibada aan jecel nahayow waa mar kale iyo barnaamijkeena sii daa waxaa maanka ku heyso

Ku soo dhawaada barnaamij gaara oo aan kaga hadleyno

Macdanta qodoyaasha angola oo soo saaray dheeman kii ugu weynaa ee la helo muddo 300 sano ah sidoo kale  sheekoy ku nacay 50 million oo lagu bixiyay saldhig laga furay muqdisho

Iyo muxuu ahaa suunka la xadey ee ay ku daba jiraan booliiska k/afrika?  Iyo arimo kale

Aan ku bilownee

Sida uu qoray wargeyska arab news ee kasoo baxa dalkaa boqortooyada sacuudi carabiya dowladda turkiga ayaa la ogaaday in $50 milyan oo dollar ay ku bixisay saldhiga militari ee ay ka furtay gudaha magaalada muqdisho,

 

Xalfad ay si wadajir ah uga qayb galeen taliyaha militariga dowladda turkiga hulusi akar iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad xariga looga jaray saldhigan miltari oo la sheegay in qubaro military oo udhashay dalkaasi turkiga ay tababar ugu furi doonaan kudhawaad 15 kun oo ciidamo soomaali ah.

Waad ku mahadsan daawashadiina sharafta ee noo shere gareya si fariintaan ay meelo badan u gaarto naguma soo biir si aad u heshid waxbixinada aan soo bandhigno

 

Labada dowladood oo uu ka dhaxeeyo xiriir aad u adag ayaa sidoo kale waxa ay isku afgarteen in soomaaliya laga taageero ciidamo horleh oo tababar lagu siin doono dalkaasi turkiga.

 

Kumanaan muwaadiniin turkish ah ayaa ku sugan gudaha soomaaliya kuwaas oo u jooga geeska africa in at taageero dhinacyo kala duwan ah u sameeyaan dfs iyada oo sidoo kale dalkaasi turkiga at ku suganyihiin kumanaan soomaali ah kuwaas oo halkaasi u jooga waxbarasho iyo kuwo ka shaqeysta.

 

Labada dowladooda ayaa waxa ka dhaxeeya xiriir aad u wanaagsan waxaana dowladda turkiga mas’uuliyiinteeda ay yihiin kuwo inta badan soo booqda soomaaliya.

 

Dhanka kale macdan qodoyaasha angola ayaa soo saaray dheeman casaan ah oo 170-carat ah ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu weynaa ee la helo muddo 300 sano ah

 

Minersin angola waxay soo saartay dheeman casaan ah oo naadir ah oo la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu weynaa ee la helo muddo 300 sano ah, hawlwadeenda goobta australia ayaa ku dhawaaqay arbacada manta .

Dheemanka casaanka ah ee 170 carat ee loo yaqaan lulo rose  luulka cas,ayaa laga helay macdanta lulo ee ku taal waqooyi bari ee dalkaasi angola, dallka angola oo dheemanta qani ku ah, waxaana uu ka mid yahay dheemankii ugu weynaa ee casaanka ah ee abid la helo, shirkadda lucapa diamond company ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay maalgashadayaasha.

 

Helitaanka “taariikhiga ah” ee nooca iia dheeman, mid ka mid ah noocyada dhif iyo naadirka ah ee dhagaxyada dabiiciga ah, ayaa waxaa soo dhaweeyay dawladda angola, oo sidoo kale ah shuraako ku ah macdanta.

 

“rikoorkan iyo dheeman casaan ah oo cajiib ah oo laga helay lulo wuxuu sii wadaa inuu soo bandhigo angola oo ah ciyaaryahan muhiim u ah masraxa adduunka,” ayuu yiri wasiirka macdanta angola diamantino azevedo.

fadlan rukumo oo iska diiwaangeli begkeena si aad warbixino dheeraad ah u hesho!

 

Dheemanka waxaa lagu iibin doonaa hindise caalami ah, lagana yaabo in lagu iibiyo qiimo qurux badan.

 

Booliiska dalka koonfur afrika, ayaa ku raad joogga baadigoobka dad loogga shakisan yahay iney xadeen suunka horyaalnimada adduunka ee feerka.

Suunkan ayaa wuxuu ugu deeqay ninkii kal hore ku guuleystay horyaalka feerka adduunka ee mareykanka ahaa ee ray leonard, madaxweynihii hore ee koonfur afrika, nelson mandela.

Suunka horyaalnimada adduunka ee feerka, oo qiimihiisu yahay mid aad u sareeya, ayaa lagu soo bandhigay madxafka mandela house ee ku yaalla soweto.

Afhayeenka booliiska col. Dimakatso sello, ayaa u sheegay warbaahinta in kiis xatooyo ah uu furey booliiska 2-dii bishan

Waxaa la sheegay in shaqaalihii looggu tala galey ilaalinta shaqada madxafka caanka ah ee ku yaalla wadada vilakazi in xili dambe ay ku baraarugeen xatooyada.

Halkaaasi waxaa kunoolaan jiray halgamaagii la dirireyay midab takoorka mandela intii u dhaxeysay sanadihii 1946-dii illaa iyo 1962-dii, iyagoo xaqiiqsadey shaqaalaha in qufuladii kuxirnaa madxafka in wax aan caadi aheyn lagu sameeyey,lana jabsaday.

Baaritaanka ayaa waxaa lagu ogaaday in suunka la qaatay. Ma cadda in wax kale ay ka maqan yihiin madxafka iyo in kale.

Side aad u aragto warbixintaan fikirkaagu waa muhiim aragtidaada hoos noogu reeb qeybta commentiga  hadaad nagu cusub tahay follow iyo like soo saar bogeynaa noqo qofka ugu horeeya muuqaalkana daawada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.