Home Afsomali Wadaadku Siyaasi Ma-noqon Karaa..?

Wadaadku Siyaasi Ma-noqon Karaa..?

Wadaadku Siyaasi Ma-noqon Karaa..?

Marka aad dhinac ka eegto, Soomaalidu waa dad qalbi wanaagsan oo diintana aad u jecel. Iyadooy taasi jirto ayaa hadana waxa jira dhinac nolosha ijtimaaciga aad ugu muhiim ah oo aad moodo in guud ahaan uu wacyiga bulshadu (mararka qaarna aad isodhanayso xataa wacyiga aqoonyahanka qaarkii) aad buu u hooseeyaa. Jaanibkaasina waa xidhiidhka u dhexeeya diinta iyo siyaasada. Siyaasad marka lagahadlayana waxa laga hadlayaa hogaaminta bulshada.

Wadaadku siyaasi ma noqon karaa? Hadday jawaabtu haa noqoto, waa maxay sababta wadaado bulshada dhexdeeda sumcad fiican ku lahaa markay siyaasi noqdaan ay ugu digarogtaan siyaasiyiin aad loogu dhaliilo habdhaqankooda maamul…?

Suaalahan ayaa u baahan in si qoto dheer loo falanqeeyo si faham waafiya loogu yeesho mawduucan muhimadiisa leh.

Hadaan fikirkayga dhiibtana waxaan qabaa inay lagama maarmaan tahay in la helo hogaamin siyaasadeed oo leh aqoon isudheelitiran dhanka cilmiga diinta iyo dhanka aqoonta maadiga ahba. Siyaasiga loo baahan yahay inuu hogaamiyo umada muslimka ah ee waqtigan joogta ayaa loo baahan yahay inuu ku hubaysan yahay aqoon heersare ah oo labada dhinacba ah. Hogaanka sidaa u dhisan ayaa ubabac dhigi kara farsamooyinka shaydaanka dadka iyo ka jinka ee ku xeeran kuraasta sare ee umada laga hogaamiyo.

Tusaale ahaan haddii wiil ama gabadh aad diinta u bartay/baratay kuna dhaqma/dhaqanta loo dhiibo mansab sare waxa dhacaysa inuu shaydaanku la galo dagaal ciriyo dhul ah (sidii kii uu la galay Nebi Adam cs) si uu kaadhka uga wasakheeyo oo markaa indhaha bulshadu ku soo jeestaan oo si dhakhso ah looga waayo dhawrsoonaantii markii hore lagu bartay. Sideedabana shaydaanku laba aaladood buu adoomaha Alle swt uu ku duufsadaa labadaasina waa awooda siyaasadeed iyo awooda maaliyadeed. Markaa ruuxii wadaadka ahaa hadduu labadaa midkood gacanta ku dhigo waxa  isla markaaba u bilaabmaya dagaalkii mr Shaydaan. Hadaba dagaalka shaydaan waa ayo cidda u jilib dhigi kartaa? Waxa dagaalkaa libin kasoo hoyn kara ruuxii marka horeba aqoon xeeldheer oo dheelitiran Rabbi ku manaystay. Ruuxii markiisa horeba aqoontiisa diineed ay yarayd ama camalfalkiisa dhanka diintu uu hooseeyey ama aanu jirinba (sida uu siyaasiga Soomaaliyeed u badan yahay) isagu awooda siyaasadeed inuu ku takrifalo isla markaana aanu musuqa iskaba ilaalin ayay u badan tahay, markaana shaydaan waa intuu doonayay umana baahna inuu ruuxaa dagaal lagalo.

Gabagabadii, waxaa loo baahan yahay in bulshadu arrinkan faham heer sare ah ka lahaato oo hogaanka umada loo soo xulo dad aqoontooda diineed iyo tooda maadiga ahi isu dheelitiran yihiin si dadkaas hogaanka loo dhiibanayaa ay uga soo baxaan imtixaanka kursiga ku xeeran isla markaana ay si hufan u gudan karaan masuuliyada lagu aaminay.

Maxay idinla tahay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.