Dagaalada ayaa intooda badan waxaa ay ka socdaan dhulka somali galbeyd sida magaalooyinka ay ka mid yihiin mooyaale baabili iyo bambaas shiniile afdheer nageyle wajeer adari harar dhanka kale qoloji
Wraraka laga helayo deegaanada ay degaan shacabka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in boqolaal Soomaali ah ay ku xaniban yihiin deegaanka Guji la yiraahdo oo dhaca Xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromadda ee dalkaEthiopia.
Dadkaan ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasay in ka badan 200 oo qof kuwaas oo kasoo barakacay degaano u dhow halka ay ku sugan yihiin ciidamada Oromadda oo maalmihii dambe u gaarsanayay Soomaalida halkaas degta.
Boqolaalkaas Soomaalida ah ayaa waxay ay ku jiraan saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska dalka Ethiopia oo ku yaala deegaanka Guji, kuwaas oo isugu jiro Caruur, Haween iyo waayeelba waxayna sheegeen in dhib badan ay ku qabaan Saldhigaas ay gabaad sanayaan, waxaana maamulka dowlad degaanka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee Itoobiya ay ugu baaqeen in si deg deg ah looga jawaabo dhibaatada ay wajahayaan.
Waqtiyadii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay dagaalka u dhaxeeya Qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Ethiopia , taas oo cirka isku sii shareertay markii Ethiopia loo magacaabay Ra`iisul wasaare Abiy Axmed.