Home Afsomali Xafiiskii hanti dhowrka guud oo la jabsaday iyo famaajo arinkaa ka walaacay

Xafiiskii hanti dhowrka guud oo la jabsaday iyo famaajo arinkaa ka walaacay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay kulan xasaasi ah Madaxtooyada ugu yeeray Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Farmaajo iyo Jimcaale ayaa qaatay kulan socday Saacado badan waxeyna ka wada hadleen dhacdo xalay qabsatay Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Xafiiks Hanti-dhowrka uu ku dhex leeyahay Gudaha wasaarada Soomaaliya ee ku dhextaalo Madaxtooyada ayaa habeen hore loo dhacay, Waxaana lagala baxay agab farabadan oo yaalay xafiiska sida ay heegeen Saraakiil ka ag dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Nuur Faarax ayaa laga qaatay inkabadan 25 File oo ay ka buuxeen dukumintiyo kala duwan iyo sidoo kale Computerkii uu adeegsan jiray Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka.

Madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa gudoomiyaha weydiiyay inta ay la egtahay macluumaadka sirta ah ee dikumiiintiyada la dhacay.

Gudoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowraha qaranka ayaa usheegay Madaxweyne Farmaajo in sirta maqan ee dowlada leedahay ay tahay mid aad uweyn.

Wali si dhab ah looma oga waxa ay salka ku heyso arintan, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in mudooyinkanba uu Hanti-dhowrka qabay walwalka ah in loo dhoco Xafiiskiisa oo laga qaato agabka uyaala.

Waxa ugu badan ee hada la qaatay ayaa Filel ay ka buuxeen cadeymaha baaris uu waday mudo sanado ah Xafiiska Dr Nuur Faarax Jimcaale isagoona qorsheynayay inuu soo bandhgo goordhaw kahor inta aan xilalka wareejin Wasiirada Cusub.

Saacadihii ugu dambeeyya waxaa baaris xoogan ka waday Xafiiska loo dhacay askar isugu jirta Soomalai iyo ajaanib waxeyna ajaanibta wadatay Eeyo Waaweyn oo loo carbiyeeyay arimahan.

Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegay inuusan hadli Karin maadama uu la joogo Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo dibna arintan kaga hadli doono.

Arintan ayaa waxa ay imaneysa iyadoo dhawaan la xanibay Akoonada Wasiirada iyo Dowladda Hoose ay ku lahaayeen Bankiga dhexe si looga fogaado Musuq Maasuq waloow arintan ay keeni karto kala shaki xoogan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.