Home Afsomali Xildhibaano iyo 6 wasiir oo dowladu kala noqotay Baasaboorka Diblumaasiga

Xildhibaano iyo 6 wasiir oo dowladu kala noqotay Baasaboorka Diblumaasiga

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa lagala noqday baasaboorka diblumaasiga, waxaana arintan sabab looga dhigay khilaafka maamulka Jubbaland kala dhaxeeya dowlada federaalka.

Sida aan wararka ku helnay Wasiirada iyo Xildhibaanada katirsan Jubbaland ayaa baasaboorka laga qaaday xili qaarkood garoonka Aadan Cadde ka dhoofayeen halka kuwa kalana ay kasoo dagayeen.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo katirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa  sheegay in Xildhibaano iyo Wasiiro gaaraya 6 lagala qaaday Baasaboorka Diblumaasiga xili ay ku sugnaayeen garoonka Aadan Cadde.

Waxa uu sheegay Axmed Ismaaciil in Wasiirada iyo Xildhibaanada Jubbaland katirsan  baasaboorada ka qaadeen saraakiil katirsan laanta socdaalka iyo jinsiyadaha kadib amar arintaasi lagu siiyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in talaabadan baasaboorka looga qaadayo Xildhibaanada iyo Wasiirada kaliya ku kooban tahay maamulka Jubbaland, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in dowlada beegsato hal maamul .

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xiligan wax xiriir ah kala dhaxeen maamulka Jubbaland uu Hogaamiyo Axmed Madoobe, waxa ayna dowlada sharci daro ku tilmaantay doorashooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.