Home Afsomali Xisbigaa I taager iyirow tu aan ku weydiiyo ?

Xisbigaa I taager iyirow tu aan ku weydiiyo ?

madaxweyne taaj doonayow tu aa, ku weydiiyo ? xildhibaan su.aal taagan iyo tu aan ku weydiiyo qurba joog adaa tacabireye tu aa, ku weydiiyo

Xisbigaa I taageer iyirow tu an ku weydiiyo ? hadaan shacabka loo turin waqtigu turun tureynaayo tabaalada abaaraha hadaan cidi ka taageerin mar hadaan tacliinyo biyaha loo tixgalineynin tahriibkiyo qaxootiga hadaan lala tacaaleynin oo aan taqaatiiri jirin waa tayo la.aane sida taangi gaal wado hadii taayar lagu laayo

tartankiyo waxay doorashadu tareysa yaa sheega  

Madaxweyne taaj doonayow tu aa. Ku weydiiyo dadkaan aad sidii timo la jarey aad turubka moodayso waayeelka wada taahayee toosi  kari waayey umulaha intey taqa jarmeen tuuray u badkoodi da.yartii wax uun tari laheyd tooska uga yaacday aqoon yahayka suuqyada tubmee shaqo la.aan taagan war lacag tiriyan gaarta baa kurisiga loogu tagayaaye hadaan taano loo quuraheyn sowna laga tuugo horta yaad u talin waa la yaab waxaad tiraahdaaye

Xildhibaan su.aal taagan iyo tu aan ku weydiiyo tay iyo mukeyf gaari leh iyo tamshaqle raaxaysi hadii tuug dhar noo soo gashado taajirnimo doon ah tanaan qaban tanaan qaban haduu tororog siidaayo haduu sacab in loo wada tumo iyo toogo laga raadsho wuxuu nagu tasabo hadii tiisa laga yeelo anaga oo bartii tuban haduu tooro nagu dhaafo halka qaranka lagu taamayaa halkuu tagayo yaasheega

Qurbo jog adaa tacabiraye tu aa. Ku weydiiyo adinkaa shisheeye u tagay aan diin tixgalineyne dalkaan  tacab wixii uu lahaa tuurta lagu qatay dalkaan turaabta iyo baduba tuugtu guraneyso aryaa qurba joog maxay idinla tahay taain laga yeelo

Sideeda iyo tobanka Gobol intaba calamaa la surey intuba waa suuq madow intuba waa sumad qabiil intuba waa seylad jaan damaaci bey wada sitaan maseyr baa lagu salida sed bey u hamuumayaan . sandal maqan bey rabaan .sareyn bey doonayaa .waxay saxariiriyeen saboolkiyo maatadii .agoomihii bey sidkeen .sidii xoolahoo kaley ku baayacaan sanuud .waxay ka sameynayaan waxaanay siin kareyn .

Somalidu waa cajiib Afrikaba waa ka sooc sankaanka carbeyna ma leh subaacyadii baa batoo cid lagu suureeyo ma leh bal eega sideey yihiin subxaankaan magan u nahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.