Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo Gaalkacyo waa in ay Noqotaa meesha ay ka bilaabato...

Madaxweyne Farmaajo Gaalkacyo waa in ay Noqotaa meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed ” (DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Soodhaweynta Madaxweynaha ee Galkacyo waxaa ka qeyb qaatay Kumannaan shacab oo isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuriyadda, kuna dhawaaqaya ereyo ay ku muujinayaan dareenka faraxadeed ee ay u hayaan booqashada Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo waxaa salaan sharaf siiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay muddada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

“Waxaan dooneynaa in aan ka shaqeyno sidii magaaladan ay ku noqon lahayd meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, annaga oo meesha ka saareyna kala qeybsanaanta jirta.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Mudug waxa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Masuuliyiintii Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Galkacyo waxaa ka mid ahaa, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

 

 E2I0845
 E2I0830 1
 E2I0851
 E2I0849
 E2I0887
 E2I0977
 E2I0913
 E2I0900
 E2I1167
 E2I1314
 E2I1248
 E2I0962
 E2I0908
 E2I1025
 E2I1386
 E2I1062
 E2I1294

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.