Home Afsomali VIDEO Gabar dhalinyaro ah Ninkeeduna waalan yahay oo Muqdisho dhashay 20 caruur...

VIDEO Gabar dhalinyaro ah Ninkeeduna waalan yahay oo Muqdisho dhashay 20 caruur ah oo isuma qado ah

Caasha Xaaji Cilmi oo Guri Mugdi ahaa iftiimisay

Kaamka malable ee duleydka galbeyd ee magaalada Muqdisho waxaa ku Nool hooyo Xabiiba Cali Shabeelow oo dhashay ilaa 20 Caruur ah Ninkeeduna uu haayo xanuunka dhimirka Farxiya Cabdisamad Axmed  ha inoo faahfaahiso cida waxtartay iyo sidii ay ku ogaadeen

Caasha Cismaan ugaas Caasha Shaacuur oo ka mid ah haweenka dumarka taakuleeya kana tirsan gudiga barakacayaasha taakuleeya oo goobjooge ka aheyd ayaaMahadcelin ka dib  tafaasiil dheer ka bixineysay ujeedka Booqashada Qoyska Saboolka ah ee caasha xaaji cilmi iyo agabka kala duwan ee qeyskaan lagu baahi tiray mudo 3 bilood ah

Dhanka kale caasha shaacuur ayaa ugu baaqday hey.adaha ganacsatada somaliyeed iyo beesha caalamku in ay waxtaraan qoyskaan iyo qoysaska kale ee aan awoodin in ay helaan alyoomkooda sidaana jaado ugu dhinta

Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi ayaa xustay in ay la xanuuntay dhibaatada heysata hoooyada qoyskaan abaha iyo Caruurta oo ay balan qaaday in ay ka bixiso dugsi quraanka Caruurta inta ay ka dhameysanayaan .

Hooyo Xabiiba cali Shabeelow  ayaa ka mahdacelsay gurmadka bini aadannimo waxayna u duceysa Xidhibaan Caasha Xaaji oo gudonsiisay abooyinka alaabooyin badan oo Nolosheeda kaabikara.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.