Home Afsomali Full VIDEO Dabkii Bakaaro laguma farxin Qaabkii loogu gurmaday ee loo Damiyey...

Full VIDEO Dabkii Bakaaro laguma farxin Qaabkii loogu gurmaday ee loo Damiyey iyo qasaaraha uu gustayba

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

Dabkaan oo ahaa mid  si fudud uga kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed wuxuuna ahaa gubasho aan la fileyn  oo ay  aad uga naxeen bulshada sooomaaliyeed inkasta oo aan lagu farxin Qaabkii loogu gurmaday damintiisu oo socotay in ka badan lixsaacadood .

Ninba dahab lumay si u doondoone Arinta ayaa gaartay reer ba,ow yaa ku leh ka dib markii ruuxu yimaadaba wax ka ceynsanaayey dabka waxaana lakala garan waayey milkiilaha iyo midka maroorsanayey ee qadanaey agabka kala duwan .

Saddex ruux ayaa ku geeriyoorey dabkaasi, sidoo kalena waxaa  halkaasi ku baab’ay hanti aad u badan oo tiro rasmi ah aan lagu sameyn.

Dabka ayaa ka bilowday Suuqa Al-khaliifa ee Bakaaro, waxaana dabka uu ku faafay qeybo kale oo uu ka dhigay Dhuxulo madow iyo danbas

Gaadiidka dabdamiska oo aan tiro iyo tayo badan laheyn iyo shacab aad u badan oo gurmad ka sameeyey ayaa ugu dambeyn la gaaray in la damiyo

Lamina arag weli gubashadaan Mid la mid ah intii dab ka kacayey suuqa weyn ee bakaaraha .

Ganacsato badan ayaa ku ceyrtoobay waxaana ka gubtay badeecadihii u keydsanaa iyo lacago doolar ah sida ay sheegayaan qaarkood .

Hantida gubatay ayaa aheyd mid deyn ku qaad aheyd iyo raasimaal ganacasatadu laheyd waxaana ku jiray lacago qasnadaha ku jiray oo iyadu amaana ahaan halkaa ugu jirtay

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.