Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow ayaa kamid noqday masuuliyiinta diidan muddo korarsiga MD Farmaajo.
Guddoomiyaha oo aan la hadlay, ayaa ii sheegay in uusan diyaar u aheyn ka qeyb qaadashada burburinta Muqdisho iyo diwladnimada Soomaaliya, islamarkaana uu go’aansaday in uu diido muddo korarsiga.
Qoraalkaan ayuu soo dhigay bartiisa Facebook.
“Si loo badbaadiyo Qaranimadeenna, Madaxwayne Is-casil oo dalka iyo dadka soomaaliyeed u tur!!
Ogoow madaxwayne, Kuwa kugula talinaya inaad sii dagaallanto waxay doonayaan guul-darradaada.
Reer Muqdisho waxay kuu galeen abaal ee haku noqon abaal-dhaan”