Home Afsomali Dhageyso Maxkadama Alshabaab oo Xakun dhagax ku dil ah ku fulisay Shukri...

Dhageyso Maxkadama Alshabaab oo Xakun dhagax ku dil ah ku fulisay Shukri Cabdullaahi oo ay sheegeen in ay wada guursatay 11 nin hadana ay xaas u aheyd 9 ka mid ah

Fagaare ku yaalla degmada Sablaale ee gobalka shabeelaha hoose ayaa waxaa ka dhacay xukun dhagax ku dil rajmi oo lagu fuliyay haweenay Lagu magacaabo Shukri Cabdullaahi Warsame.

sida uu sheegay qaaliga alshabaab u qaabilsan xukunada gabadhaan oo lagu magacaabo Shukri Cabdullaahi oo 30 jir ahayd ayaa guursatay 11 nin, waxaana ka dhintay hal nin mid kalana wuu furay, iyadoo haatan si qarsoodi ah xaas ugu ahayd 9 Nin sida uu ka aqriyey  goobta uu ka dhacay xukun oo ay usoo daawasho tageen dad badan oo ku dhaqan Sablaale.

Waxa ay ahayd hooyo leh 8 caruur ah oo todobo kamid ah ay udhashay ninkii ugu horeeyay ee waalidkeedu ay siiyeen laguna ogaa.

Sidee loo ogaaday ragga ay isla guursatay Shukri.?

Shukri ayaa waxaa isku qabsaday laba nin oo mid kasta uu ku dooday inay xaas u ahayd, waxaana markii danbe soo baxay rag kale oo iyaguna sheegtay in shukri ay udhaxday oo xaas ay u ahayd.

Mid kamid ah qudaada xarakada shabaabul oo xukunka riday ayaa goobta ka sheegay in Shukri Cabdullaahi ay qiratay eeda loo soo jeediyay.

Xaalada caafimaad ee Shukri ayaa ahayd mid wanaagsan waxaana ay qiratay eedaha loo soo jeediyay sida uu sheegay qaadiga xukunka ku dhawaaqay.

Dad badan oo fagaaraha ku sugnaa ayaa xukunka kadib ku dhawaaqay markii uu yiri allaahu akbar waxaa ku bilowday in dhagaxyo madaxa looga dhufto ilaa ay ka dhimatay xili ay ku jirtay god loo qoday .

Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa durba dhagxaan ku boobay gabadhii oo halkaasi ku dilay, ugu dambeyna maydka marxuumadda ayaa meesha laga qaaday.

Ma ahan markii ugu horeysay ay fuliso xukun kamid ah xuduuda allaah.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.