Home Afsomali Dowladda cusub ee Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa sida muuqata xirtay wasaaradda...

Dowladda cusub ee Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa sida muuqata xirtay wasaaradda arrimaha haweenka,

Dowladda cusub ee Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa sida muuqata xirtay wasaaradda arrimaha haweenka, waxayna ku beddeleen wasaarad ujeedkeedu yahay kor u qaadista akhlaaqda iyo ka-hortagga xumaha.

Iridda hore ee dhismaha ay deganeyd wasaaradda arrimaha haweenka ee Kabul, ayaa Jimcihii laga taagay calaamad cusub oo sheegaysa in wixii hadda ka dambeeya ay xarun u noqoneyso “Wasaaradda Wacdigalinta, Hanuuninta, Faafinta Wanaagga iyo Ka-hortagga xumaha.”

Taalibaan ayaa sidoo kale dhismaha wasaaraddan ka saartay shaqaalihii barnaamijka xoojinta dhaqaalaha haweenka, kaas oo 100 milyan oo dollar uu ku maalgalliyay Bangida Adduunka, sida uu xaqiijiyay Sharif Akhtar oo ka mid ahaa dadkii sida khasabka ah looga saaray dhismaha wasaaraddii hore ee haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.