Home Afsomali DUQA CUSUB EE MAGAALADA BALED-WEYNE OO LA DAREEMAY WAX QABADKEEDA

DUQA CUSUB EE MAGAALADA BALED-WEYNE OO LA DAREEMAY WAX QABADKEEDA

 

Nadar Tibaax Maalin oo wakhtigan xaadirka ah duqa Maagalada Baled-weyne sidoo kalena duqii 2aad ee dumar ah ee soo mara degmada Baledweyne waana masuulkii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara xafiiskan burburkii ka dib sida ay qabaan dad badan.

Nadar Tibaax Maalin waa masuul aqoon iyo waayo aragnimo isku darsatey waxayna horey uga soo shaqeysay Dekada Magaalada Muqdisho.

Xilka Duqa Magaalada Baledweyne oo ay wakhti kooban hayso ayaa waxaa iska soo daba dhacaya amaanta waxqbad ee ay sameysay iyada oo dad badana ay qirayaan in ay la soo baxday cadaalad aan looga baran masuuliyiinta kale ee xafiiskan uga horeysay.

Nadar ayaa wakhti yar gudihiisa ku horumarisey suuqa Xoolaha iyo wadooyin ka mid ah magaalada Baledweyne oo dadku ku diirsadeen.

Nadar ayaa shacabka reer Baledweyne u balanqaadey in ay fulin doonto mashaariic kale oo faa’iido u leh waxayna noqotey duqii magaalada ee ugu horeeyey muddooyinkan dambe oo quluubta dadka soo jiita taas iyada oo intii yarayd ee ay xafiiska fadhiday kasbatey jaceyl ay ku muteysatey amaan aan la koobi karin.

Daadihi Bulshada kuu daacad weeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.