Home Afsomali Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isbedel ku sameeyay guddigii cabashada laga keenay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isbedel ku sameeyay guddigii cabashada laga keenay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa wax ka bedel ku sameeyay xubno ka tirsan Guddiga Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed isagoo magacaabay xubno cusub.

Qoraal uu soo saaray gudoomiyaha ayaa waxaa uu Xubnaha Guddiga uga saaray guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre iyo Ibraahim Cabduqaadir Maxamed, isaga oo ku bedelay Maxamed Sheekh Xuseen Maxamed iyo Farxiyo Maxamed Yuusuf.

Habeen ka hor musharrixiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa cabasho ka keenay guddiga uu horay u magacaabay guddoomiyaha, taas oo keentay in uu isbedel ku sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.