Home Afsomali Koox hubeysan oo toogasho ku dishay gudoomiyihiin degmada Balidhidin ee Gobolka bari

Koox hubeysan oo toogasho ku dishay gudoomiyihiin degmada Balidhidin ee Gobolka bari

Gudoomiyihii degmada Balidhidin ee gobolka Bari Maxamad Axmad Muumin ayaa caawa ay kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Balidhidin kadib markii ay weerar ku qaadeen goob uu ku sugnaa.

Wararka aan ka helayno deegaanka ayaa tibaaxaya in gudoomiyaha iyo dad shacab ah lagu weeraray goob ay bulshadu isugu yimaadaan iyadoona ka sokow dilka Marxuumka ay jiraan khasaare soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa goobta.

Dhawaan ayay ahayd markii Kooxda Daacish iyo Ciidamada Puntland ay ku dagaalameen deegaamo katirsan degmada Ballidhidin, iyadoo hub iyo saldhigyo ay joogeen dagaaladaasi looga qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.