Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo hotelka uu dagan yahay ku qaabilay wafuud heer caalami...

Madaxweyne Farmaajo oo hotelka uu dagan yahay ku qaabilay wafuud heer caalami ah kalana hadlay ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay 14 Feberaayo kulan la qaatay masuuliyiin ka socda dalalka Jarmalka iyo Masar, waxayna ka wada hadleen sidii xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya loo xoojin lahaa.

Madaxa Waaxda Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka  Ralph Timmermann oo uu wehliyay Safiir K/Xigeenka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya Mudane Markus Bollmohr ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ay garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan idin xusuusinayaa xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka inuu ahaa mid aad u wanaagsan oo ku dhisanaa iskaashi iyo wax wada qabsi. Waxaan ka dooneynaa Dowladda Jarmalka in ay dhankeeda qeyb weyn ka geysato sidii dalkayaga uu usoo kaban lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay wafdigan ka socday dowladda Jarmalka abaaraha aadka u daran ee saameeyay Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka dadka ay abaaruhu ku dhufteen. Wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa ballan qaaday in ay dowladdooda gaarsiin doonaan dhambaalka Madaxweynaha, ayna ka qeyb qaadan doonaan sidii ay Soomaaliya cagaheeda ugu istaagi lahayd.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa qaabilay wafdi ka socday dalka Masar oo dhambaal hambalyo ah uga siday Madaxweynaha dalkaasi  Cabdulfataax Al Sisi. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar taageerada ay diyaarka ula tahay mar walba dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhammaad.

Masar1Masar

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.