Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowladda HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo xilkii uu ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed.
Lama sheegin wax sabab ah oo xilka looga qadaay Dabageed, hase yeeshee xiriirka isaga iyo Waare ayaa aad u xumaa maalmihii dhowaa, ayada oo Dabageed uu marar badan dhalleeceeyey Waare.
Dabageed oo shalay magaalada Baladweyne shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay in aad u dhaliilayo siyaasadda iyo wax qabadka madaxweyne Waare.
Waxa uu sidoo kale sheegay “in madaxweynu sida uu rabo uu tagri falo maamulka ay wada leeyihiin dadka reer Hirshabelle”, waxa uuna xusay uu maxweynu ka gaabiyay wax ka qabashada gobalka Hiiraan iyo magaalda xarunta u ah ee Baladwene.