
Mareykanka iyo Markab cajiib ah.
Markabka diyaaradaha dagaalka xambaara ee Mareykanka laga leeyahay ee USS Gerald Ford oo la sameeyey 2013 wuxuu ku fadhiyaa qiimo gaarata 13 bilyan oo doolar.
Lacagtaas waxay u dhigantaa miisaaniyada ciidan ee sanadlaha ah 180 wadan oo caalamka ka tirsan oo la isku daray.
Markabka ayaa loogu magac daray madaxweyne Gerald Ford oo ahaa madaxweynihii 38-aad ee Mareykanka soo mara.
USS Gerald Ford wuxuu qaadaa 75 diyaaradaha dagaalka, waxaa kaloo ku rakiban 2 madaxyada nukliyeerka xambaara.
Shan kun oo qof oo ciidan iyo shaqaale isugu jira ayaa oogada u saaran.
Culeyska uu qaadi karaa waa 100 kun oo tan.
Xawaaraha socodkiisa saacadii wuxuu jari karaa 55km.