Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa Maanta xukun ku riday odayaal dhawaaan laga soo xiray degmada Cadaado ee gobolkaa Galgaaduud.
Odayaasha tiraadooda ay gaareyso 3 qof, ayaa Maxkamadda Ciidamadda qalabka sida ay ku xukuntay 5 sano oo xabsi ciidan ah, ka dib markii bishii December 27-dii Sanadkii la soo dhaafay ee 2022 ayay heshiis Alshabaab kula galeen degmada Xarardheere ee gobolka mudug ka hor inta aysaan gacan ku haynta degmada ay la waareegin ciidamadda dawada federaalka Soomaaliya & kuwa degaanka.
18-kii bishan ayaa loo fariistay dhegeysiga Kiisa odayaasha iyaga oo ku dooday , in Reerka ay ka soo jeedaan wakiil ay ka ahaayeen.
Hase ‘ahaatee ‘Dawlada Fedeaalka Soomaaliya ayaa diiday in la la macaaamiilo Alshabaab & Daacish