Dadkaan oo u badan naafo haween iyo caruur agoomo ah ayaa ku nool mid ka mid ah xeryaha lagu barakacay ee deeganka garasbaaley ee duleydka magaalada Muqdisho
Waxaana tiro ahaan ay dhan yihiin ilaa 180 qoys oo qaba baahiyaha gaarka ah ka sokow ma heystaan in badan oo noloshooda kaabi lahaa sida waxbarasho caafimaad musqulo guryo iyo wixii la mid ah waxaana arimaahaas ka hadlay gudoomiye ku xigeenka naafada Macalin Nuur yarrow oo warbaahinta la hadlay
Qaar ka mid ah dadka jilicsan ee aan helin Karin alyoomkooda ayaa dareenkooda ka fal celiyey
Cabdulaahi Cabdi Maxamuud gudoomiyaha arimaha bulshada ee deegaanka garas baaley ayaa ka dalbaday maamulka Gobolka banaadir dowlada fadaraalka beesha caalamka iyo dhamaan bulshada somaliyeed in ay gargaaraan walaalahooda lana siiyo waxyaabaha noloshooda lagama maarmaanka u ah












