Home Afsomali VIDEO Xasan Sheikh Dalka waxaan gaarsiiyey heer uusan gaarin 47 sano Waana...

VIDEO Xasan Sheikh Dalka waxaan gaarsiiyey heer uusan gaarin 47 sano Waana Cafis …iyo hambalyada ciida

Madaxweynaha Dowlada fadaraalka somaliya raiiisal wasaaraha xakuumada Cumar cabdirashiid iyo gudoomiyaha baarlamanaka  Maxamed Sheikh Cusman jawaari masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlada iyo madaxweynaha Maamul goboleydka Puntland Cabdi weli Maxamed cali Gaas ayaa boqolaal muslimiin ah oo ka kala yimid dagmooyinka Gobolka banaadir kula dukaday salaadii ciidu alxaa masaajidka weyne ee isbaheysiga sacuudiga iyo somaliya ee Magaalada Muqdisho .

Madaxweyne  Xasan Sheikh ayaa salaadii ciida ka dib gudaha masaajidka ka jeediyey qudbad dhinacyo badan taabaneysa wuxuuna hambalyo  u direy dhamaan muslimiinta calamka guud ahaan gaar ahaana bulshda somaliyeed  .

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa  sharaxaad ka bixiyey Xaalada guud ee  dalku oo uu sheegay in ay tahay mid aan horey u soo marin Mudo 47 sano ah wuxuuna  sheegay in xaalada nabada dalka ka jirta wogeed ay tahay mid lagu faani karo dowladnimaduna ay ka dhaxeyso bulshada somaliyeed oo idl

Madaxweynaha ayaa munaasibada ciida awgeed cafis u fidiyey inta aan xabsiyada ku jirin kuwaas oo uu ku sheegay in ay yihiin nabad diid .

Dhanka kale qaar ka mid ah masuuliyiinta labada gole ayaa munaasibada ciida hanbalyo u direy shacabka soomaaliyeed waxayna sidoo kale u soo jeediyyeen talooyin kala duwan.

Qudbada madaxweynaha oo qoraal ah 

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Munaasabadda Ciidul Adxaaa

Muqdisho, 12 September 2016

Bismillahi Raxmaani Raxiim
Al Salaamu Caleykum Wa Raxmatullahi wa Barakaatu

Allahu Akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar, Laa Ilaaha Ilaa Allahu , Allahu Akbar wa Lillaahil Xamdu

Ciid Wanaagsan, Ummadda Soomaaliyeed maal kasta oo ay joogaan. Ilaahay ayaa mahad leh inaan maalintan weyn ee barakeysan aan nabad ku wada ciidno.

Waxaan munaasabadda ciidda awgeed hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan caalamka Islaamka, waxaana leeyahay Ciid Mubaarak meel kasta oo aad joogtaan.

Ciidul Adxa waa mid ka mid ah ciidaha waaweyn ee caalamka islaamka oo loo baahan yahay in ummaddu ay farxadda wadaagaan. Sidaa darted waxaan shacabka Soomaaliyeed farayaa inay sidii caadiga ahayd munaasabaddan isku naxariistaan oo kooda liita ay fadliga Ciidul Adxaa awgeed ugu kaalmeeyaan.

Nabadgelyada iyo farxadda aan maanta ku ciideyno waxay qeyb ka tahay guulaha aan ka gaarney dib u dhiska dowladnimadeena iyo soo celinta nabadda iyo kala dambeynta, inagoo qireyna in wax badanna ay inoo dhiman yihiin.

Waxaa inagu soo fool leh shir madaxeed muhiim ah oo qabsoomidiisa ay ka tarjumeyso dib u soo noqoshada sumcaddii iyo sharaftii aan ku lahayn gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waa markii ugu horaysey ee madaxda IGAD ku kulmaan Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay 1986-kii.

Tallaabooyinka la qaaday ee lagu xaqiijinayo qabsoomidda shirkan waxaa ka mid ah adkeynta amniga magaalada Muqdisho.

Cadowga waxaa uu doonayaa inuu dalka ka lumiyo fursaddaasi dahabiga ah ee magaceena kor loogu qaadayo, sidaa darted waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay dulqaad u yeeshaan tallaabooyinka amniga lagu sugayo ee Muqdisho ka socda.

Waan dareemi karaa in tallaabadaasi ay culeys ku keeneyso shacabka, hase yeeshee waxaa lagama maarmaan ah in hawl kasta oo adag lagu bixiyo qiimi u dhigma waxa aan hiigsaneyno.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda, dhowaana la xoojin doonaa hawlgalada cadowga looga sifeynayo goobaha yar ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan. Argagixisadu waxay dhiigga maatada ka dhigteen wax ay ku faanaan, waxaana hubaa in Ilaahay idankii aan warkooda mar dhow soo gabagabeyno.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan laamaha aamniga, waayo inta badan guulaha la gaarey suurtagal ma ahayn in la gaaro haddii aan shacabka laga helin gacan.

Dhanka kale doorashooyin taariikhi ah ayaa ka dhacaya dalkeena sannadkan, kuwaas oo aan dhammaanteen diyaargarow buuxa ugu jirno. Waqtigu waa ciriiri, laakiin waxaan idin xaqiijinayaa in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay xaqiijinta inay doorashooyinkaasi qabsoomaan.

Doorashooyinkan waa tijaabo ama halbeeg uu caalamku ku tijaabinayo biseylkeena siyaasadeed iyo horumarka aan ka gaarney dib u soo kabashada, colaaddii dheereyd kadib. Haddii aan ku guuleysano doorashooyinkaasi waxay ka dhigan tahay Soomaaliya oo dhan oo guuleysatey, gobolka Geeska Afrika oo guuleystey iyo caalamka oo iyaguna guuleystey.

Doorashadu sideedaba waa loolan loogu tartamayo in Soomaaliya meesha ay taagan tahay horay loogu sii dhaqaajiyo. Musharax kasta oo xil u tartamayaa waa inuu maskaxda ku hayaa in hawsha sugaysaa ay tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyo inuu wax ka qabto baahiyaha kala duwan ee ay qabaan.

Dhegaha shacabka waxay u baahan yihiin in la maqashiiyo waxqabad, dib u heshiisiin iyo midnimo, waxaana musharixiinta kula dardaarmayaa inay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka kicin kara.

Sax ma ahan in qof doonaya inuu qabto xilka ugu sareeya dalka inuu jagadaasi ku raadiyo cay ama aflagaado uu u geysto dowladnimada. Dowladnimada aan maanta haysano waxan u soo marney halgan dheer iyo dadaal badan, mana qurxoona in hadaladii ay cadowga ku hadli lahaayeen inay ka soo yeeraan dad Soomaaliyeed.

Mar kale waxaan leeyahay walaalaha Soomaaliyeed ee doorashada galaya inay waddankooda aaminaan, ku kalsoonaadaan, una soo bandhigana shacabka barnaamij siyaasadeed ay ku kasban karaan kalsoonida Soomaalida.

Dib u heshiisiinta iyo midnimada dalka waa muhimadda koowaad ee aan ku soo shaqeyneynay afartii sanno ee la soo dhaafay, taas ayaana ugu weyneyd sababihii aan u abuurnay madasha hoggaamiyeyaasha qaranka.

Shirkeenii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacayna waxaan uga hadleynay maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, waxaana marka la soo gabagabeeyo ka soo saari doonaa go’aamo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

salaada-ciida

118 COMMENTS

  1. Asc dadka aan asxab wadanahay waxaa oogu hambalyenayaa malinta lawat ciidul adxa waxaa leyahay ciid mubarak ciidul cafiya nabad iyo cafimad ilaahey anugu gaarsiyo

  2. Dalka iyo dadkaba kuguma qanacsana balze tabar ayaa kuu diiday in aaa siiheeyso eee kadhamaaaaw ayaan kuleenahay qaaa in weeyn ayaa tahaye allla nooma kaa keeno insha allaah

  3. Ma sidaan ku moodnay mase sidaad noqotay mase si aan loo noqon doonin
    Waxaan ku moodnay madaxweyne waxaadse noqatay qof xun waxaan loo noqon doonin inaan markale ku doorano kkkkkkkkkkk

  4. Xasan shiikh dhibato buku haya umada somaliyed dhawac ayad ugaysatay nabadeey nabadeey nabdeey wayka dhamatay dhibatadi adku haysay umada somaliyed

    • shalay haduu damer dhaminayay manta waa masulkaga ogow adna wali damer samistisa xita maso garin markas rabta in wax ka shegto
      xasanow cadawga u nolow
      soolaba markale na daadihi

  5. Ma anagaa waalan mise ninkaan aniga geeda nacasnimada layiraahdo kan afkay ka gashay waa iska qoslayaa soomaalidana waxaan leeyahay ilaa iyo SYL oo 3xaraf ah SEE YEEL LAA ayay kujirtaa marka siniyad ah illaahay u baryo qofkasta. In mid ka khayr badan uu inooku bedelo

  6. Ma inaad maalin farxadeed tidhaahdo dhaqaaaq ma jiro oo farxadii ubadka aad u diiday ayaa hor u mar ah yaahuu reer xamarkii dhibay qabaaan

  7. Maanta uunbuu run sheegay waayo 42 sano wixii shar iyo khayr aan soo marnay waxaa kadhibaato badan 4 tii sano ee uu haystay hogaamiye kooxeed kiina dhohoo marka dalku meel uusan gaadhin waligii duli dhibaato dal iyo dad la aan ayuu gaadhsiiyay waa runtiis waligeed soomaali heerkan oo kale dhibaato kama gaadhin

Leave a Reply to Cabdulaahi Ismaaney Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.