Home Afsomali WhatsApp oo soo kordhisay adeeg cusub oo ay baahi u qabeyn dadka...

WhatsApp oo soo kordhisay adeeg cusub oo ay baahi u qabeyn dadka isticmaala

Shakadda ayaa soo kordhisay adeegyo cusub oo wax u taraya dadka isticmaala, waxa ayna shabakadan tartan adag kula jirta shabakado kale oo soo kordhiyay adeegyo badan oo muhiim ah.

Maamulka WhatsApp ayaa sheegtay inay u oggolaan doonto isticmaaleyaasha inay tafatiri karaan fariimaha ay diraan, waxaana markii hore adkaa in qoraal aad ku dirto bartan aad tifatir ama wax ka bedel ku sameyso.

Shabakaddan ayaana tallaabadaan u qaaday sidii ay tartan ula geli laheyd Telegram iyo Signal oo leh adeegga tifatirka ama wax ka bedelka qoraalada aad ku dirto barahan .

WhatsApp waxay sheegtay in fariimaha la tifaftiri karo ilaa 15 daqiiqo ka dib marka la diro, waxa ayna tallaabadan wax badan u tareysa dadka sida weyn u isticmaala bartan oo ku dhibanaa farriimaha qaldan ee diraan in ay wax ka bedelaan.

Shirkadda Wahatsapp ayaa hadda waxaa isticmaasha dad ka badan 2 bilyan oo qof, waxaan dadka isticmaala ugu badan dadka Hindiya oo ah suuqa ugu weyn, oo ay isticmaalaan 487 milyan oo qof.

Previous articleXal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa arrimaha doorashada golaha deegaanka
Next articleEthioipia oo si adag uga hor timid Go’aan kasoo baxay Shirkii Jaamacadda Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.