Home Afsomali Allaa igu og aabahaa in aan cidi u aareynin

Allaa igu og aabahaa in aan cidi u aareynin

Mustafa Kaydsane, Aswad Baarcad iyo inta nool iyo intii dhimatay oo ay ka mid ahaayeen Suldan Maxamed Xasan, Wasiir Nuur Faarax Xirsi Allah how naxariisto dhammaan inta dhimatay iyo dadka oo dhan dhammaantayo waanu ognahay inta qof ee lagu aasay Hargaysa, Burco, Yiroowe, Iyo Odweyne Kuna dhintay dagaaladii Somaliland (1994 – 1996), kuwaas oo loo bixiyey dagaaladii Sokeeye magac kalena aan aqbali karin agteena.

Dagaaladii soo bilaabmay sideetanaadkii ilaa 1990 kii oo xasuuq ba’an uu ka dhacay goboladii Woqooyi waxaa iskaga soo horjeeday Dawladdii Kacaanka iyo SNM. Runta oo qaboobi waxay tahay umadda degta Somaliland (qabiilooyinka) kala duwan waxay lakala safnaayeen labadaas qolo. Sidaas darteed sida aan loo jeclayn in la xoqo boogtii 1994 – 1996 taas oo bogsatay ayaanay reer Laascanood, Badhan, Borama, Saylac, Shiishwanaag, Bartire, wiilasha hablaha Isaaq dhaleen ee abtiga loo yahay Iyo Isaaq intii la socotay Siyaad Barre aanay jeclayn in loogu yeedho faqashtii, ama xasuuqii, iyada oo lagu fogaynaayo, loona cadaynaayo in aanay Somaliland wax taariikha ku lahayn ama ugu yaraan mabaadiida lagu dhisay ee dadka la xasuusinayo sida diyaarada saaran fagaarahan markasta ay ku sugnaayeen dhinaca iska leh taariikhda foosha xun.

Sidaas darteed iyada oo la tixgelinaayo Islaamnimada oo ku baaqaysa in la iscafiyo, iyada oo la tixgelinaayo midnimada dadka reer Somaliland, nabadgelyada dadka Somaliland, dawladnimada dadka reer Somaliland, wax wada lahaanshaha dadka reer Somaliland, waxaan qabaa in diyaaradaas fagaaraha saaran waxtarka ay xusuusta taariikheed u leedahay ay ka badan tahay waxyeelada ay u leedahay wadajirka Somaliland.

Waxaan qabaa kuwii dadkooda waayey subaxkasta markay arkaan way murugoodaan waxay xasuustaan wixii ku dhacay. Kuwii Siyaad Bare la socdayna way murugoodaan oo waxay og yihiin in diyaaradan ay la mowqif ahaayeen oo iyaga loo jeedo. Maxay murugo u soo kordhinaysaa oo aan ahayn in nabaradii bogsan lahaa la xoqo? Jawaabtu waa waxba walaalayaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.