Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan badan oo jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay Laamiga Maka Al mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoosyada Dabka iyo Shaqaalaha.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo lagu weeraray Hotelka Maka Al Mukarama, waxaana la maqlayaa rasaas aan wali la ogeyn cida rideysa.
Dadka ugu badan ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen maqaayada Hillaac UK oo ku dhow Maka Al Mukarama, maadaama gaariga la sheegay in goobta uu ku qarxay.
Dad badan ayaa ku xayiran dhismayaasha qaar, waxaana lagu waramayaa in laga baqayo in dhismaha uu ku dumay.
Qaraxan oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, qarax ayaana saameyn xoogan xitaa ku yeeshay guryo ka fog halka lala eegtay sida dadka deefgaanka noo sheegeen